Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay iyo Xaalada Degaanka Xeraale oo uu weli...

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay iyo Xaalada Degaanka Xeraale oo uu weli ka socdo dagaal beeleed

Xaalada degaanka Xeraale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa maanta ah mid degan, marka laga reebo Rasaas goos goos ah oo saakay laga maqlayay goobtii uu ka dhacay dagaalka.

dadka deegaanka  ayaa soo sheegaya in weli ay is horfadhiyaan dhinacyadii Dagaalamay, oo kala Ciidamo ka tirsan ururka Ahlusuna iyo dad degaanka ah.

Sidoo kale Wariyaha somalisan ayaa yiri “Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii shalay waxa ay gaarayaan 25 ruux, kuwaasi oo la soo gaarsiiyay goobaha caafimaad ee Caabud-waaq, Cadaado iyo xarunta gobolka Galgaduud”.

Dadka degaanka qaarkood oo ay la xiriirtay somalisan ayaa sheegay in ay qabaan cabsi iyo feejignaan dheeri ah, taasi oo la xiriirta in markale halkaasi uu ka bilowdo dagaal, ayna bilaabeen in ay guryahooda ka barakacaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka taagan agagaarka deegaanka Xeraale ee Gobolka Gal-guduud.

Farmaajo oo ka hadlayey tallaabooyinka deg-degga ah ee ay dowladdu qaadayso ayaa yiri “Dowladda indhaha kama fiirsaneeyso, umana dulqaadan doonto in ay colaadda sii socoto, dadkeenna aan waxba galabsanna lagu sii dhibaateeyo. Deegaanka colaaddu ka dhacday waxaan u dirayaa guddi xaqiiqo raadin ah kuwaas oo soo baara sababaha dhabta ah ee kiciyay colaadda.”

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.