Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo kala hadlay duubabka dhaqanka hawlaha dib u heshiisiinta Koonfur...

Madaxweyne Farmaajo oo kala hadlay duubabka dhaqanka hawlaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhabo odayaasha iyo duubabka dhaqanka Koonfur Galbeedayaa ku ammaanay kaalinta ay ka gaysanayaan taabbo gelinta hawlaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaannadan.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay sida shacabka ay ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka, taasoo ay tahay in lagu xoojiyo dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka uu la kulmay kaalinta ay ka qaateen samata bixinta dalka, iyagoona u soo dhabar adaygay dadkooda waqti ay jireen duruufo aad u adag.

Dhankooda, duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda guud ee deegaannada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, iyagoona la wadaagay talooyinkooda iyo aragtiyaha ay qabaan dib u xoreynta degmooyinka wali ku jira gacanta argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii labaad ku sugan magaalada Baydhabo ayaa kulamo wada tashi iyo is-xog waraysi ah la yeelanaya Hoggaanka iyo waxgaradka deegaanka.

DHAMMAAD 

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey Odayaasha dhaqanka Koonfur-Galbeed Somalia 2019-1-17-Sawir qaade Cali Ducale Baydhabo-13
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey Odayaasha dhaqanka Koonfur-Galbeed Somalia 2019-1-17-Sawir qaade Cali Ducale Baydhabo-11
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey Odayaasha dhaqanka Koonfur-Galbeed Somalia 2019-1-17-Sawir qaade Cali Ducale Baydhabo-9
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey Odayaasha dhaqanka Koonfur-Galbeed Somalia 2019-1-17-Sawir qaade Cali Ducale Baydhabo-7
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey Odayaasha dhaqanka Koonfur-Galbeed Somalia 2019-1-17-Sawir qaade Cali Ducale Baydhabo-1
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey Odayaasha dhaqanka Koonfur-Galbeed Somalia 2019-1-17-Sawir qaade Cali Ducale Baydhabo-11

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.