Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Hoggaanka Culimada Ahlu Sunna iyo Gud. Dib...

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Hoggaanka Culimada Ahlu Sunna iyo Gud. Dib u Heshiisiinta Galmudug

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay Caasimadda Muqdisho, kaddib markii uu xalay kusoo xiray magaalada Dhuusamareeb wajiga koowaad ee Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ka hor inta uusan ka soo amba-bixin magaalo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, waxa uu halkaas kulan gaar ah kula yeeshay Culimada hoggaanka u ah Ahlu Sunna, isagoo ku ammaanay doorka samatabixineed ee ay dhabarka u riteen culimada deegaanku.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulankan kula hadlay Sheekh Maxamed Shaakir Cali, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali (Al-Ashcari) ayaa la wadaagay muhiimadda ay u leedahay aragtidoodu, dadaalkooda iyo waxqabadkoodu dhismaha Galmudug mideysan, horumarsan oo ka tarjumeysa aqoonta iyo kartida reer Galmudug.

Dhankooda, Hoggaanka Ahlu Sunna Wal-jamaacah ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey tan iyo markii uu xilka qabtay, xal u helista khilaafyadii kala duwanaa ee ka jiray Galmudug, waxa ayna soo bandhigeen rajo mugweyn oo ku aaddan hana qaadka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay Taliyeyaasha Ciidamada dhawaan la qarameeyey ee ku sugan Dhuusamareeb, waxa uuna xusay in dowladdu ay xoogga saartay xaqiijinta xuquuqdooda ciidannimo iyo tayeyntooda, isagoona ku dhiirri geliyey go’aankooda ku saleysan Qarannimada iyo in ay u istaageen difaaca dalkeenna.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la kulmay Xubnaha Guddiga Dib-u-Heshiisiinta Galmudug ayaa tilmaamay in shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliyeed ay u garoowsan yihiin dadaalka mugga weyn ee ay la yimaadeen tan iyo maalintii la magacaabay, kaas oo horseeday in laga gudbo caqabado waaweyn oo hortaagnaa midnimada, horumarka iyo dowladnimada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.