Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada kaga qaybgalay Xuska Musaasabadda 1-da Luulyo (...

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada kaga qaybgalay Xuska Musaasabadda 1-da Luulyo ( daawo sawirada )

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kaga qaybgalay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xorriyaddooda la soo laabteen, isla markaasna ay is-raaceen Koonfur iyo Waqooyi.

Madaxweynaha oo munaasabadda 1-da Luulyo khudbad ka jeediyay ayaa hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed isaga oo ku boorriyay inay ku fara-adaygaan midnimada, wadajirka iyo walaaltinnimada dhexdooda ah, kana qayb-qaataan dadaallada ay dowladdu ugu jirto dhisidda Qaran Soomaaliyeed oo maqaam sare ku dhex leh caalamka.

“Waxaan u dabbaal-dagaynaa sannad-guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii gobollada Koonfureed ay xorriyaddii ka qaateen Talyaaniga, Waqooyi iyo Koonfurna ay ku midoobeen hal dowlad, hal qaran iyo hal calan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka sheekeeyay doorkii ay dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka Soomaaliyeed ka qaateen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya isaga oo u duceeyay halgamaayaashii naftooda u huray xorriyadda iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxwenaha ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalintii la gurtay miraha halgankii gobonnimo doonka ee ay ka qaybqaateen halyeeyada Soomaaliyeed kuwaas oo ku midaysnaa aragtida ah inay diidaan guumaysiga, gunnimada iyo quursiga isla markaana aanay oggolaan in cid kale ka sarrayso.

“Halgamayaashii gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi waxay ka midaysnaayeen guumaysi diid, waxay ka midaysnaayeen gunnimo diid, waxay ka midaysnaayeen quursi diid iyo in qofka Soomaaliyeed aanu oggolaan in laga sarreeyo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay muhiimadda ay midnimadu leedahay horumarka dalka isaga oo shacabka Somaliland ku ammaanay sidii ay wakhtigii israaca ugu tanaasuleen wadajirka ummadda, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay ka qanciso tabashooyinkooda si meesha looga saaro kala qaybsanaanta.

“Waxaan qabaa rajo fiican. Waxaan qabaa in Soomaali ay midoobi doonto, waxaana gacmaha u furaynaa walaalaheenna reer Somaliland ee ay aabbayaashood dhaliyeen midnimada.”

Munaasabadda Xuska 1-da Luulyo waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Banaadir.

 

 05A0026
 05A0028
 05A0035
 05A0053
 05A0062
 05A0067 copy
 05A0120
 05A0161
 05A0176
 05A0214
 05A0247
 05A0248
 05A0251
 05A0282
 05A0298
 05A0308
 05A0320

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.