Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaasir

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaasir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Waxa uuna xilkaas ka qaaday Garyaqaan Muuse Maclin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii.

Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Xilkan oo horey uu u hayey Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.