Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo Soo Dhaweeyay Baaqa Golaha Wasiirada ee Doorashooyinka

Madaxweyne Farmaajo oo Soo Dhaweeyay Baaqa Golaha Wasiirada ee Doorashooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.