Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xubno kale oo ka tirsan labada Gole ee dowladda ayaa saaka boqolaal dadweyne aad u fara badan salaaddii ciidda kula tukaday masjidka Isbaheyga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee nabad sugida iyo kuwa AMISOM ayaa lagu daadiyey min madaxtooyada illaa nawaaxiga masjidka Isbaheysiga Islaamka, si ay u xoojiyaan amaanka madaxda dowlada ee masjidkaas ku tukaneysay, waxaana dhowr meelood si adag loogu baarayay dadka masaajidka galaya
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareyay munaasabadda 1-da bisha Shawaal ee ah maalinta koowaad ee ciidda, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in maanta oo kale Ummadda looga fadhiyo in ay isu gurmadaan, oo ay caawiyaan walaalahood Soomaaliyeed ee aan awoodin in carruurtooda ay carruurta kale kala qeyb qaataan farxadda Ciidda.
Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Masjidka Isbaheyga Islaamka ayaa hoosta ka xariiqay in maanta oo kale shacabka looga baahanyahay inay u istaagaan dib u heshiisiinta iyo in Shacabku ay isa saamaxaan oo ay u istaagaan ka shaqeynta midnimadooda.
Boqolaalkii dadweyne ee ku tukaday Masjidka Isbaheyga islaamka ayaa isugu hambalyaynayay maalinta koowaad ee cidda, maadaama ay u soo dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan.
Boqolaal Muislimiin ah ayaa salaad ciidul Fidriga kuwada tukada masaajidka weyn ee ku yaala degaanka salaama city ee duleydka Magaalada Muqdisho
waxaana ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo ka kala yimid daafaha dagmooyinka gobolka banaadir
tukashada salaada ciida ka dib ayaa qaarkood oo la hadlay TVga GTN waxay sheegeen sida ay ugu faraxsan yihiin waxeyna iskuugu hambalyeynayeen ciida wanaagsan iyo kuli caam wantum bilkheyr
sidoo kale qaarka mid ah dadkii u soo ciiday qaarkood ayaa shacuurtooda farxadeed sidaan ku muujiyey
Maamulaha salaama janaraal service Maxamuud Cali oo shir jaraid ugu qabya saxaafada gudaha xarunta salaama ayaa faahfaahiyey waxqabadka iyo danta laga leeyahay xaafada daara salaama iyo waxyaabihii ay sanadkaan ku so kordhiyeen