Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo RW Ku xigeenka...

Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo RW Ku xigeenka Turkiga ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxwenaha Jamhuuriada Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Veysi Kaynak oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Madaxwene Farmaajo ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Veysi Kaynak , waxaana labada masuul yeesheen kulan muhiim ah ay uga wada hadleen xoojinta xariirka ka dhaxeeya labada wadan iyo sidii Turkiga gacan u siin lahaa dowlada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa uga mahad celiyay Booqashada uu maanata ku yimid magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga iyo taageerada lixaadka leh ee Dowlada Turkiga mar walbo la garab taagan tahay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Veysi Kaynak ayaa sheegay in dowlada Turkiga ay taageereyso dowlada cusub ayna gacan ka geesaneyso taageerada dowlada iyo caawinta dadka ay saameesay abaaraha dalka ka jira.

Dowlada Turkiga ayaa ah dowlad mar walbo taageero aan la hilmaami karin la garab taagan dowlada Soomaaliya iyo shacabka, waxaana marar kala duwan booqasho Muqdisho ku yimid Madaxweynaha Turkiga iyo Madax kale oo dalkaasi ka socotay.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.