Home Afsomali Madaxweyne Farmaajooo Ethiopia kula kulmay António Guterres. Xooghaaya Guud ee Qarammadaha Midoobay

Madaxweyne Farmaajooo Ethiopia kula kulmay António Guterres. Xooghaaya Guud ee Qarammadaha Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo uu qeyb galayo Shir-Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika, ayaa waxa ay kulan gaar ah yeesheen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyey horumarka la taaban karo ee Dowladdu ka sameysay dhinacyada siyaaadda, amniga iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiniciisa sheegay in Dowladda ay ka go’antahay sii xoojinta dib u heshiisiinta iyo xasillina dalka, isaga oo intaas ku daray Madaxweynuhu in ay muhiim tahay in Qaramada Midoobay ay dardargaliso caawimaadda ay siiso Soomaaliya.

Ugu dambeyn Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa isla soo qaaday meesha ay mareyso u diyaarinta ciidamada Soomaaliya in ay amniga dalka la wareegaan , Xoghaye Guterres ayaana qiray in Ciidamada Soomaaliya ay yihiin kuwo la isku hallayn karo oo u baahan in la taageero oo kaliya , waxa uuna hadalkiisa kusoo gabagabeeyey in Qaramada Midoobay ay gargaar dhinaca bini’aadanimada ah gaarsiin doonto Soomaaliya.

-DHAMMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.