Home Afsomali Madaxweyne Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalka caleemo saarka u...

Madaxweyne Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalka caleemo saarka u gaaray magaalada Muqdisho

Wafdi balaaran oo uu horkacayo  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa  gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo xafladda lagu caleemo saarayo Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo.yne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si habmaamuus wanaagsan loogu soo dhaweeyay Muqdisho, waxaana uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay inta uusan ka qeyb gelin xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya  xaruntii hore ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya, maadaama safaaraddu ay ku shaqeyneysay xarun KMG ah.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.