Home Afsomali Madaxweyne Hore Walaalihiis iyo xubno katirsan Qoyskiisa oo la laayay

Madaxweyne Hore Walaalihiis iyo xubno katirsan Qoyskiisa oo la laayay

Kooxo hubeesan ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday guri uu lahaa madaxweynihii hore ee gobolka Oromada ee dalka Itoobiya Alemayehu Atomsa, waxaana weerarkaasi lagu dilay walaalihiis iyo xubno katirsan qoyskiisa.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Konchi Kebele oo ka tirsan magaalada Jimma ee gobolka Oromia, waxaana weerarkan lagu dilay sadex wiil oo la dhalatay madaxweynihii hore ee Oromada iyo afar qof oo kale oo qaraabo dhaw ahaayeen Madaxweynaha.

Dowlada Itoobiya ayaa weerarkan murugo leh ku eedeesay in ay ka dambeeyeen koox ay ku tilmaameen argagaxiso, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyadda weerarkan ka dhacay ismaamulka Oromada.

Ciidamada Itoobiya ayaa wada howlgalo baaritaano ah kuna baadi goobayaan kooxdii ka dambeesay weerarka lagu qaaday guriga Madaxweynihii hore ee Oromada laguna laayay xubno katirsan qoyskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.