Home Afsomali Madaxweyne Ku xigeenk Cali Gudlaawe Xusseen oo amray in jowhar laga...

Madaxweyne Ku xigeenk Cali Gudlaawe Xusseen oo amray in jowhar laga bilaabo qorshe looga hortagayo fatahaada webiga shabelle

Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle Cali Gudlaawe Xusseen ayaa Maanta kormeer howl gelin ah ku gaaray hareeraha Webiga Shabeelle gaar ahaan Qeybta Xaafada Kulmis halkaas oo Maalmihii ugu Dambeeyay ay ka taagneed Cabsi la xiriirta In webiga uu Fatahaad sameeyo.

Madaxweyne kuxXigeenka ayaa Goobta laga bilaabay Caratuurka Ee dhanka Webiga waxa uu maanta geeyay Saamballo loogu tala galay in lagu xoojiyo Caratuurka Webiga si loo Badbaadiyo Nolosha Hantida iyo Dadka ku dhaqan Gudaha Magaalada Jowhar.

Dhawaan ayaa aheyd markii Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Xubna ka tirsan Maamulka ay socdaalo kala duwan ku gaareen Qaar ka mid ah meelaha laga Baqdinta qabo in Webiga uu ka fataho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.