Home Afsomali Madaxweyne ku xigeenka Hirshaballe oo ku wajahan Degmada Buulo Burde.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshaballe oo ku wajahan Degmada Buulo Burde.

 

Wafdi uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Yuusuf axmed Hagar {DABAGEED} ayaa manta ku wajahan Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, waxaana degmada ka socoto qaban qaabadii ugu danbeeysay soo dhaweeynta wafdiga.

Garoonka diyaaradaha Degmada Buulo burde waxaa ku sugan Masuuliyeen ka tirsan Maamulka degmada Buulo burde, Saraakiisha Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM iyo qeeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool degmada.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf axmed Hagar waxaa qeeyb ka ah Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabeelle. inta ay joogan degmada buulo burde waxaa ay kulan la qaadan doonan Maamulka Degmada iyo qeeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka wafdiga Yuusuf dabageed u tagayo degmada Buulo Burde ayaa ah sida aan xogta ku helnay in ay soo qeemeeyaan xaaladahii ugu danbeeyey ee dadka go’doonka ku jiro iyo abaabulka howlgalka ka socda qeeybo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Ururka Al.shabaab ayaa go’doon galiyey Magaalada Qadiimiga ah ee Buulo burde, ku dhawaad 10 sano oo Ciidamada Dowlada Maamulayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.