Home Afsomali Madaxweyne ku xigeenkanJubbaland oo ku hanjabay

Madaxweyne ku xigeenkanJubbaland oo ku hanjabay

Madaxwwyne ku xigwwnka Jubaland C/qaadir xaaji Maxamed Lugadheere ayaa eedeyn ba’an u jeediyay Dowlada Faderaalka Soomaaliya oo khilaaf weyn kala dhexeeyo madaxda maamulkaasi.

C/qaadir Luga-dheere wuxuu ku eedeeyay Dowlada Somalia inay faragelin siyaasadeed ku heyso arimaha gudaha maamulkaasi isagoo si gaar ah ugu dhaliilay in Dowladu go’doomin siyaasadeed ku heyso maamulka Jubaland.

“Dowladu waxay ka gudubtay xeyndaabkii sharciga islamarkana waxay u tilaabtay fagelinta ay ku heyso maamulka sida amniga iyo siyaasada laakiin markaan waxana ku qasbanahay inaan talaabo qaadno oo ka hortagno”ayuu yiri C/qaadi luga dheere

Masuulkaani oo ah qofka sedexaad ee ugu sareeya maamulka Jubaland ayaa carabka ku adkeeyay in go’doominta Dowladu ku heyso maamulkooda ay dhibaato ku tahay xiligaan shacabka  reer Jubaland, wuxuuna ku hanjabay talaabo qaadi donaan oo aysan sii eegan karin talaabooyinka dowladu wado.

“meeshaan waxaa ka jira sidaad ogtihiin maamul iyo kala danbeyn laakiin dad-baa nala raba inaan ka soo bilowno anaa la iga qabsaday, anaa qabsaday, hadaan qabsanaa, reer hebelaa qabsanaayo iyo anaa qabsanayo ,ama aqbalayno in waxas dinb naloogu celiyo”ayuu yiri Madaxweyne xigeenka Jubaland

“Hadaanu nahay reer Jubaland waanu tashanaysaa, go’aano ayaana ka soo saari doonaa kuwa dulmiga nala maagan, waxaana leenahay sabarkaa naga dhamaaday”ayuu mar kale yiri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.