Home Afsomali Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar (Camey) oo Noqday Safiirka...

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar (Camey) oo Noqday Safiirka Cusub ee Somalia u fadhiyi doono Adis Ababa Ethiopia halka mareykanka uu Noqday …….

ilo wareedyo lagu kalsoon yahay aya inoo sheegay in dowlada Somalia ay danjireyaal  cusub u magacowday dalalka Itoobiya iyo Maraykanka.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar (Camey) oo dhowaan golaha Wasiiradu isku raaceen inuu noqdo safiir ayaa waxaa loo magacaabay danjiraha cusub ee Somalia u fadhiya dalka Itoobiya iyo xarunta Midowga Afrika ee Addis ababa.

Camey ayaa bedelaya danjirihii Somalia u fadhiyey dalka Itoobiya Cali Shariif Axmed oo isna loo wareejiyey inuu noqdo danjiraha cusub ee Somalia u fadhiya Magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka.

Danjire Cali Shariif ayaa buuxinaya booska danjiraha Somalia ee Maraykanka oo banaanaa in muddo ah markii danjirihii halkaas fadhiyey Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia ku dhowaad sanad ka hor, xilkaasoo

uu illaa hadda hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.