Home Afsomali Madaxweyne laftagareen oo kulamo ka wada degmada Xudur

Madaxweyne laftagareen oo kulamo ka wada degmada Xudur

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku sigan degmada Xudur ayaa qaabilay Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool.

Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay Warbixino ku saabsan xaalada Gobolka, kan Degmada iyo U u diyaar garowga Wajiga labaad ee Dagaalka Dalka lagaga xorreynayo Ururka Al-Shabaab mas’uuliyiintii uu la kulmay.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur la wadaagay socdaalkiisa Magaalada Xudur inuu ku qotomo Dardargelin Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Dhagax-dhiga Mashaariic kala duwan iyo  u kuur gelida Baahiyaha Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.