Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni, oo ah Guddoomiyaha Madaxda Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa ballan qaaday in ay xasilin doonaan Geeska Afrika.
Yoweri Museveni ayaa dammaanad-qaadkan ka sheegay Shir-madaxeedka aan caadiga ahayn ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya kaas oo lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo wufuud uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Soomaaliya, Ismaaciil Cumar Geelle ee Jabuuti, Evariste Ndahishimiye ee Burundi, Dr William Ruto ee Kenya, iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mr Demeke Mekonnen.
Xubnaha kale ee ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa madaxa howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) Danjire Mohammed El-Amine Souef, Madaxa Ergada IGAD ee Uganda Lucy Daxbacher, madaxa xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) Ms. Aisa Kacyira, iyo Guddoomiyeyaasha Midowga AfrikaImosemi Isevboja Sunday iyo Mr. Bankole Adeoye.
Shir-madaxeedku waxa uu ku ammaanay Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya sida ay ugu guulaysteen fulinta waajibaadkooda, oo ay ku jiraan taageeridda isbeddelka siyaasadeed, iyo dadaallada xasilinta ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Kenya Dr. William Samoei Ruto ayaa loo igmaday in ay ka qeyb qaataan iskaashiga dhinacyada horumarinta iyaga oo ka wakiil ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.