Home Afsomali Madaxweyne Mustafe Cagjar oo isbedel ku sameeyey hoggaanka ciidamada DDS

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo isbedel ku sameeyey hoggaanka ciidamada DDS

Madaxweynaha dowlad deegaanka, Mustafe Muxumad Cagjar ayaa isku shaandheyn ku sameeyey taliska ciidamada ee is-maamulkaasi, waxaana xilalkoodii waayey shaqsiyaad muddo fog ka tirsanaa ciidanka.

General Cabdi Cali Siyaad ayaa loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada gaarka ah (Liyuu Boolis) ee dowladda deegaanka Soomaalida

Sidoo kale Cabdiraxmaan Axmed Nuur ayaa isna loo magacaabay ku xigeenka taliyaha ciidamada gaarka ah ee is-maamulka Soomaaliyda, Itoobiya.

Isbedelkaan ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen dhulka dowlad deegaanka, kadib markii ay tallaabeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.