Home Afsomali Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay degaannada lala wareegay kuna dhawaaqay…

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay degaannada lala wareegay kuna dhawaaqay…

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa ka hadlay howlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen Ciidamada xoogga dalka iyo dadka degaanka, kuwaas oo ay kula wareegeen degaano dhowr ah.

Madaxweynaha wuxuu sheegay inay ciidamada la wareegeen maalmihii la soo dhaafay degaananda, Masagawaay, Baraag Sheekh Caamir iyo Maanta oo ay la wareegeen degmada Galad, wuxuuna Ciidamada ku bogaadiyay howlgallada ay wadaan Ciidamada.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada xooga dalka iyo dadaka degaanka ay tallaabooyin horleh qaadi doonaan saacadaha soo socda, isla markaana degaano dhowr ah ay la wareegi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.