Home Afsomali Madaxweyne Ruto oo kala diray Saraakiil katirsan ciidan loo heesto Dilal...

Madaxweyne Ruto oo kala diray Saraakiil katirsan ciidan loo heesto Dilal arxan darro ah

Afar xubnood oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Boliiska Kenya ayaa lagu eedeeyey in ay ka dambeeyyeen dilal , afduubyo iyo jirdil ka dhacay gudaha dalkaas ayaa maanta horgeynayaa maxkamad ku taalla magaalada Nairobi.

 

Waxay qeyb ka haayeen koox gaar ah oo uu dhawaan kala diray Madaxweynaha Kenya William Ruto iyadoo ciidamadaas lagu eedeeyey dil aan loo meel dayin taas oo sanado badan socotay.

 

Falkii ugu dambeeyay ee lagu eedeeyay waxaa kamid ah dil loo geystay labo muwaadin oo u dhashay Hindiya kuwaas oo la waayay halka jaan iyo cirib ay dhigeen, waxaana markii dambe meydkooda laga helay keyn ku taalla bartamaha Kenya.

 

Saraakiishan ka tirsan ciidamadan haatan la gala diray waxaa loo heystaa falal isugu jiro dil, inay ku takrifaleen awooddooda iyo shirqool ku aadan inay galeen dambiyo.

Madaxweyne Ruto ayaa dhawaan sheegay in kala diridda ciidamadii gaarka ahaa ay qeyb ka tahay isbeddelka dhanka hoggaanka, xilli maamulka cusub uu qorsheynayo inuu dib u habeeyo maareynta waaxda ammaanka ee dalka.

Waxa uu sheegay in ciidammadaas uu kala diray ay mas’uul ka ahaayeen dilalka aan kala sooca lahayn iyo dadka la waayay ee markii dambe maydadkooda laga helay deegaanno kala duwan oo dalka ka tirsan sida tuulooyinka ka ag dhaw webiga Yala.

Tallaabadan maxkamadeynta saraakiishan ah ayaa timid kadib Madaxweynaha uu helay warbixin ku aadan maqnaashaha labada muwaadin ee u dhashay Hindiya, Zulfiqar Ahmad Khan iyo Mohamed Zaid Sami Kidwai waxay Kenya u yimaadeen in Ruto ay ka caawiyaan ololahiisa doorashada.

Hay’adaha xuquuqul Insaanka ayaa la xiriirayay ciidamadan gaarka ah ee la kala diray iyo booliska inay dileen in ka badan 600 qof afarta sano ee lasoo dhaafay kadib markii ay sameeyeen baaritaan madaxbanaan.

Qaar kamid ah meydadka dadkaas ayaa laga helay webiyo mara galbeedka iyo waqooyiga Kenya.

Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ayaa haatan ugu baaqaya dowladda inay maxkamadeyso saraakiishan amar la’aanta wax fuliya isla markaana magdhaw la siiyo dhibanayaasha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.