Home Afsomali Madaxweyne sheegay in uu  ka Cabsanayaa Maalinta Qiyaamaha alle hortiisa wuxuu la...

Madaxweyne sheegay in uu  ka Cabsanayaa Maalinta Qiyaamaha alle hortiisa wuxuu la tagi doono

Madaxweyne sheegay in uu  ka Cabsanayaa Maalinta Qiyaamaha alle hortiisa wuxuu la ragi doono

Madaxweyne Qays Siciid ” Markii la ii Doortay Madaxweynaha Tunisia Waxaan iri marabo inaan ku Hoydo Qasriga madaxtooyada ,waxaan ku Hoyanayaa Gurgaygii hore .Madaxtooyada Xafiis shaqo ahaan ayaan u imanayaa .

waxaan kaloo Goaansaday Markaan magaalada Dan gaar ah ka yeesho magaalada in aanan kaxaysan Baabuurta Dawladda oo aanan Shidaalka ummadda ku Khasaarin dan gaar ah oo aan anigu leeyhay ,.Markaas waxaan Kaxaystaa Baabuurkaygii yaraa ee aan lahaa intii aanan madaxweynaha Noqon ,Sidas waxaan u yeelayaa Waxaan ka Cabsanayaa Maalinta Qiyaamaha alle hortii laygu Xisaabinayo inaan Waayo waxaan ku jawaabo . !!

Dad badan way igula yaabeen arintaas waxay dhaheen macquul maaha sidan aad u Dhaqmayso Lknse way la Qabsan doonaan insha allah !! Maxaa keenay inaan sidaas u Dhaqmo ?

*Shalay markay shacabku i dooranayeen Wax ah ma haysan waxaan ahaa macalin Macalimnimadii ayaa laygu qadariyey iyo markaan Garsoorka Joogay in aanan weligey Talaabo Khaldan Qaadin .

Xiligii Doorashada Baabuur Qaali ah ma wadan, ololohii Doorashadana Hal doolar iigama Bixin ,oo shacabkaa i garab istaagay Waxaana ka adkaaday Musharxiin Kharash gareeyey malaayiin Doolar Sidaas darteed Way ii Cuntami wayday Dadkaygii Masuuliyadu iga Saarnayd oo badankood Xaalkooda Dhaqaale Liito inaan u Dhaqmo si iyaga ka duwan.

waan ku Taagnaan doonaa Goaankayga waxaana Xooga saarayaa inaan Bulshadaa Noloshooda hagaajiyo oo aan Hantidooda u ilaaliyo una Beekhaamiyo !!

intaan Xilka hayo Qays siciid Macalinkii ayaa Xoolahii Ummadda dhacay oo ku tasarufay Taariikhda ii Geli mayso .

Xilka aniga Raaxo iima aha ee Runtii waxaan u arkaa in laygu Imtixaanayo sidaan uga soo Baxo Masuuliyadaa Culus,Allah ayaan Talo saarto inaan ku Dhicin Imtixaankaas .

Weli Waxaan ahay Macalinkiinii Ubadka Barbaarinayey oo aad masuuliyad oo kale oo Culus ugu Darteen oo aad u garateen inuu Bulshadoo dhan Baxnaaniyo ”

Qays Siiciid Madaxweynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.