Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Mudane Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xilalkii Ka qaaday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga mudane Geelle isaaq Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabelle mudane Luqmaan Haji Baarqab.
Waare ayaa sidoo kale Magacaabay badalka labadda ruux ee xilka laga qaaday Wasiir ku xigeenka amniga ayaa loo Magaacabay Mudane Xasan Maxamed Cilmi, waxaana sidoo kale wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada loo magacaabay Mudane Yuusuf Sh. Xasan Macalin.