Madaxweyne XASAN: In aan guri saddex dabaq-dhisto aniga ayay ii gaar tahay
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan eedeymaha sida shaqsiga ah loogu jeediyo.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta dhulalka ee markasta lagu eedeeyo, wuxuuna sameeyay si difaacid wayn oo ku aadan hantidiisa gaarka ah.
Madaxweynaha ayaa ku dooday inay isaga gaar ah u tahay inuu dhisto guri cariish ah ama dabaq dheer, taasina aysan shaqo ku lahayn dadka kale.
“Aniga in aan guri cariish ama mid sedax dabaq aan dhisto aniga ayay iigaar tahay, wax ka quseeyo majirto Hooyada Soomaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, waxaana ka falceliyay dad badan oo Soomaaliyeed oo ka bixiyay aragtiyo kala duwan.
Maxamuud Axmed “Madaxweynaha hantidiisa asiga ayaa iska leh wax walba ayuu ku samaysan karaa wax naga galay malah”.