Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh” Mar dambe qaraxyo Bisha Octoober ma dhici doonaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh” Mar dambe qaraxyo Bisha Octoober ma dhici doonaan”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii Al-Shabaab ay shalay  ka geysteen, kuwaas oo dhimasho & dhaawac ay ku noqdeen dad Shacab ah.

Madaxweynaha wuxuu sheegay inay wiiqi doonaan awooda Ururka Al-Shabaab, isla markaana mar dambe Bisha Octoobar aysan qaraxyo ka dhici doonin Isgoyska Soobe ayna ka adkaan doonaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa si carro leh u sheegay in Al-Shabaab aysan wax qiil ah u heyn dadkii ay kudileen qaraxyadii Soobe, isaga oo sheegay in qaar kamid ah Gobolada dalka ay ka socdaan dagaalo dowladdu kula jirto Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.