Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh oo beri ku wajahan Nairobi Kenya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo beri ku wajahan Nairobi Kenya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa berri ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo booqasho rasmi ah oo labo cisho ah ku tagi joogi doono.

Safarkan ayaa ah kii afaraad oo dibadda ah tan iyo markii Madaxweynaha loo doortay 15 May, Madaxweynaha ayaa maalin kaddib u buuxsameysa 60 cisho oo uu Xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safaro dibadda ah ku maqnaa.

Imaanshihiisa Nairobi ayaa bilow u noqoneysa dib u soo nooleynta xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya oo labadii sano ee u dambeeyay mugdi galay xiriirkii labada dal oo gaaray heer Safaaradaha lakala rarto, intii uu xilka hayay Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.