Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho uga baxay safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay 15-kii Bishaan.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka ahaayeen Xubno katirsan labada Golle ee dowladda, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis (laftagareen) Xubno katirsan labada Golle ee dowladda & Maamulka Koonfur Galbeed, Agaasimaha Guud ee Madaxyooyada Soomaaliya & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xafiga ka jaraya dib u dhis lagu sameeyay qeyb kamid ah Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee Koonfur Galbeed Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka.

Safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya Maanta ku tegay Magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka ah safaro uu ku tagayo dowlad Goboleedyada kajira dalka, waxaana safarkaan midka xiga uu noqon doonaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.