Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada dalka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulammo kala duwan la yeeshay Hoggaanka Rugta Ganacsiga Qatar iyo Ururka Ganacsatada Qatar ayaa u soo bandhigay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta fursadaha maalgashiga.

Madaxweynaha ayaa ganacatada dalka Qatar waxa uu u iftiimiyey fursadaha maalgashiga ee ka jira dalkeenna, kheyraadka dihan ee ka faa’iideysigoodu uu fursadda u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo malgashadeyaasha caalamiga ah.

“Soomaaliya waa dal hodon ah dhanka khayraadka, waxaan leenahay dhul-beeraadkii, baddii iyo barrigii oo dihan. In la maalgashado waxaa hortaagnaa Al-Shabaab, iyagana hadda waa ka xoreynaynaa taako kasta oo ka mid ah dalkayaga.”

Dhankooda, Hal-abuureyaasha ganacsi iyo maalgashadeyaasha waaweyn ee dalka Qatar ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud xogtan dhammeystiran ee ku dhiirri gelinaysa in ay hantidooda geliyaan Soomaaliya, iyagoo bogaadiyey guulaha dowladnimada ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.