Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliye cusub

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliye cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Nasa Ige in uu noqdo Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in mudane Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragnimo ku filan u leeyahay hannaanka faca weyn ee diblumaasiyadda dalkeenna, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriir caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.