Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Eriteriya. Halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha dalka Eriteriya mundane Isaias Afwerki.
Madaxweynaha iyo wafdi la socda ayaa la sheegay inay u baxeen arimo shaqo, lamana oga inta ah ku qaadan doonto.
Madaweyne Xasan waxaa lagu wadaa inuu la kulmi Madaxweynaha dalka Eriteriya mundane Isaias Afwerki.
Labada Madaxweyne waxay u badan tahay isla soo qaadaan arinta xadgudubka Itoobiya ay sida sharci daradaa heshiis beenaadka ula gashay Maamulka Somaliland