Home Afsomali Madaxweyne Xassan Sheekh iyo C/raxmaan Faroole oo kulan ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo C/raxmaan Faroole oo kulan ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya

Kulanka oo ahaa mid siweyn isha uga wada hayay ayaa sidoo kale waxaa labada musharax ku wehlinayay xildhibaannada laga soo doortay maamul gobolleedka Puntland.

Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole oo marka laga soo tago in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha sidoo kale ah shaqsi saameyn weyn ku leh siyaasada Puntland iyo xildhibaannada laga soo doorto intaba ayaa kulanka uu la yeeshay madaxweyne Xassan Sheekh waxaa uu ahaa mid fasiraado kala duwan laga bixiyay.

Laakiin shir jaraa’id oo ay wada jir ah u qabteen labada mas’uul ayeey ku sheegeen in is aragooda uusan dhaafsiineyn martiqaad uu madaxweynaha u fidiyay madaxweynihii hore ee Puntland.

‘’ Madaxweyne Faroole dabcan waa mas’uul Soomaaliyeed, waa musharax, Annigana dabcan musharax ayana ahay, taasna hormarka Soomaaliya ayeey ka mid tahay in la wada sheekeysto oo iyadoo la wada qaxwo cabayo hadana kala aragti siyaasadeed la ahaado, waa oday Soomaaliyeed, waxaa uu ka mid ahaan dadkii dalka KMG ka saaray, marka madaama uu Muqdisho yimid xushmadii uu nagu lahaa in aan siino ayeey aheyd, laakiin siyaasada waa halkeedii ‘’ ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo dhinaciisa shirka jaraa’id ka hadlay ayaa yiri’’ Sida uu madaxweyne Xassan Sheekh u sheegay halkan waxaa u imid in aan doorashada ka qeyb-galo, dabcan musharax ayaan ahay isagana waa musharax, mar haddii uu martiqaad noo fidiyay in aan ajiibno waajib ayeey nagu aheyd anniga iyo xildhibaano ka soo jeeda Puntlnd, doorashada na soo aadanna waan ka wada hadalnay iyo in ay si cadaalad ah wax walba u dhacaan, wixii hore ee la sheegsheegi jiray ee doorashada ama olalaha qeyb ka ahaan waa la soo dhaafay, wixii tagay waa tageen, waxa hada joogaa waxa waaye in wax walba cadaalad ku dhacaan ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaaan Faroole ayaa ka mid ah siyaasiiyinta sida weyn u dhaliilay siyaasada madaxweyntooyda Soomaaliya, hasse ahaatee kulankii maanta ayeey dad badan u arkaan mid looga wada hadlay arimo hoose oo siyaasadeed, inkastoo labada mas’uul shirkooda jaraa’id ku muujiyeen in wali aragtida siyaasada lagu kala duwan yahay.

Ugu danbeyntii, kulankan ayaa imanaya xili doorashada madaxweynaha Soomaaliya loo balansan yahay wax ka yar labo todobaad kadib, islamarkaana jiraan kala jiidasho musharixiinta dhaxdooda ah oo mid walba doonayo in uu hello aqlabiyada baarlamaanka.

C/raxmaan Diini

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.