Home Afsomali Madaxweyne Zelensky oo shaaciyay in ciidamada Ruushka ay ka dileen 16,000 oo...

Madaxweyne Zelensky oo shaaciyay in ciidamada Ruushka ay ka dileen 16,000 oo askari dagaalka Ukraine

Dagaalka ka socda dalka Ukraine ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada duullaanka qaaday ee Ruushka iyo ciidamada Ukraine ee difaaca ku jira.

Dowladda Ukraine ayaa guulo ka sheegatay dagaalka ay kala horjeedaan ciidamada Ruushka, waxa ayna Ukarine sheegeen in Ruushka guul daro xanuun badan dhabarka u saariyeen ayna la kulmeen wax aysan fileyn.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in ciidamada Ruushka gaarsiiyeen jab xoogan, waxa uuna cadeeyay in ciidamada Ukraine muujiyeen geesinimo iyo dulqaad.

Waxa uu shaaciyay Madaxweynaha Ukraine in dagaalka socda ciidamada Ruushka uga dileen 16,000 oo askari tiro intaa ka badana uga dhaawaceen, waxa uu sidoo kale cadeeyay in diyaarado badan iyo taangiyo ka gubeen ciidamada Ruushka.

Dowladda Ruushka ayaa beenisay tirada khasaaraha dowladda Ukarine iyo saraakiisha reer galbeedka ah shaaciyeen, waxa ayna Ruushka qireen in dagaalka looga dilay ilaa 1,351 oo isugu jira ciidamo iyo saraakiil .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.