Home Afsomali Madaxweynihii hore Puntland oo ku Wajahan Magaalada Garowe

Madaxweynihii hore Puntland oo ku Wajahan Magaalada Garowe

Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyaan siyaasiyiin kale ayaa Isbuucaan ku wajahan Garoowe.

Cabdiweli Gaas oo sidoo kale soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida adag u diiddan furista dastuurka Puntland iyo in uu mudda kororsi samaysto madaxweyne Deni.

Wararka ayaa sheegaya in Dr. Cabdiweli Gaas uu raadinayo in uu mar kale u tartamo xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada soo socota ee sannadka 2024.

Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli ay Puntland ka jiraan khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira furista dastuurka Puntland iyo mudda xileedka Dawlada oo ay ka harsan tahay wax ka yar lix bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.