Maamulka sagaal magaalo oo ku taalla dalka Faransiiska ayaa soo saaray amar ay ku mamnuucayaan in la xanuunsado, taasoo ah tallaabo taariikhi ah oo ay ku muujinayaan dhibaato dhakhtar la’aan ah oo jirta.
Gobollada Galbeed ee dalkaas ayaa ku dhawaaqay in dadka aan loo oggoleyn inay u baahdaan adeegyo caafimaad.
Dhakhaatiirta maxalliga ah ayaa in muddo ah ka cabanayay inaysan heli karin qalab ku filan, marxaladda shaqaduna ay aad ugu adagtahay.
Waxay Guddoomiyeyaasha magaalooyinka sheegeen in go’aankan ay uga gol leeyihiin digniin ay dowladda ku siinayaan dhibaatada ka jirta adeegyada caafimaadka dadweynaha.
Shaqaale la’aan, isbitaallada oo aysan sariiro oollin iyo xarumo caafimaad oo albaabbada la isugu dhuftay ayaa ka mid ah arrimaha carada dhaliyay.
Qaraar ay si wada jir ah usoo saareen mas’uuliyiinta ayaa lagu sheegay in dadka deegaannadaas ku dhaqan aan laga oggolaan doonin inay isbitaallada adeeg u doontaan, ama “ay xanuunno ku dhashaan”.
Hase ahaatee, waxaa dadweynaha loo fasaxay in qofkii doona uu isbitaal ama adeeg caafimaad u raadsado magaalada caasimadda ah ee Paris.
Inkastoo amarkan mamnuucista ah la dhaqan galinayo, haddana ma jiro sharci ciqaabaya dadka u hoggaansami waaya ama ku khasabaya.
Guddoomiyaha golaha ay ku bahoobeen duqowda magaalooyinka, Dominique Dhumeaux, ayaa yiri; “Waxaan dooneynaa inaan dowladda ku wargalinno dhakhtar la’aanta jirta”.
“Waxa laga hadlayo waa badbaaddada deegaannadeenna, dowladdu waa inay si dhab ah u wajahdo dhibaatadan”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Mr Dhumeaux ayaa sheegay in 70,000 oo ruux oo ka mid ah dadka ka badan 560,000 ee ku nool deegananadooda aysan heli karin dhakhaatiir.
Caqabadda ka taagan adeegyada caafimaad ee waddanka Faransiiska ayaa muddooyinkii dmabe sii gaareysay heer qaran.
Sanadkii lasoo dhaafay, daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tobankii qofba afar ka mid ah ay ka quusteen inay helaan adeeg caafimaad, maadaama wakhtiga dhakhaatiirta ballantooda la sugayo uu aad u dheer yahay.