Home Afsomali Magaca Mashruuca: CIIDSII CARRUURTA Dhibaatada Sababtay :

Magaca Mashruuca: CIIDSII CARRUURTA Dhibaatada Sababtay :


Markaan aragnay baahidda guud ee carruurta soomaaliyeed ee ku nool dhamaan
goboladda dalka, Kuwaas oo Ka soo barakacay dhibaatooyinka ka jira dalka.
Markaan aragnay carruurta ku dayacan dariiq-yada iyo Derbiyadda
Magaalooyinka.
Markaan aragnay inaysan jirin cid u xil-qabta ama daryeesha carruurta, xag
dawlad ahaan iyo dhinacyada bulshada qeybaheeda kala duwan. Marka Hay’adda
Daryeelka Carruurta Soomaaliyeed ee (SOMCCO) daraasaysay in sanad walba
aysan helin caruur badan dharka ciidka daruufo jira Awgood, waxay Hay’addu isku
xilqaantay in ay carruurta helaan sanadkan ciidul fidriga 2022 dharkii ciida si ay u
farxaan sida caruurteena oo kale. Hay’addu kama hesho taburacaadda meel
aanan ahayn bulshada.
Ujeedo :
Ujeedada ugu wayn aan ka lee nahay waa in aan is waafajino dadka ajar raadiska ah iyo dadka
ubaahan caawinta.
Tirada Dadka:
700 oo carruur ah oo isugu jira Agoon, Danyar, Derbi-jiif iyo kuwo qaba baahiyaha gaar ah.
Wakhtiga:
Ciidda fidriga ee 2022
Goobta:
Mogadishu,Garowe,Dhusamareeb,Baydhabo, Jawhar iyo Kismayo.
Waxaan ka dooranay goobaha bara-kacayasha bulshada danyarta degentahay ee
ku yaala Casaasimada wadanka iyo caasimadaha Dawladaha xubnaha ka ah
dawladda federaalka, Taasoo aan ku samaynay qiimayn baahiyaha ah.
Bartilmaameedka:
Carruurta danyarta ah ee ku sugan kaamamka barakacayasha ee goobaha kor ku xusan
caruurta darbi jiifka ee ku sugan wadooyinka iyo Derbiyada caasimadaha.
Cidda Lagala xariiriyo :
+252615848884/ +252634132229 / +252907607063
Whatsapp: +252625222122 +252634132229
E-mail : Somcco.true@gmail.com
Fulinta :
Waxaa fulinaya Mashruuca Hay’ada Daryeelka Caruurta Soomaaliyo oo kaalmaysaneysa
Bulshada Soomaaaliyeed Qaybaheeda kala duwan iyo cid kasta oo Ajar raadis ah ah.
Kharashayada:
40$ qof kasta
40$ waxaa la socda nooliga iyo qadadda maalintaa
40×700=28,000$

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.