Home Afsomali Magaca Saxda Ah Ee Raysalwasaaraha Ethiopia , Da’diisa Iyo Diinta Uu Haysto:...

Magaca Saxda Ah Ee Raysalwasaaraha Ethiopia , Da’diisa Iyo Diinta Uu Haysto: Xogo Ka Duwan Inta La Sheego Gabiley

 

Weriye ka socda talefishanka BBC qaybtiisa afka ingiriisiga, gaar ahaan wararka Afrika ayaa dhowaan booqday deegaanka uu asal ahaan ka soo jeedo raysalwasaraha dalka Itoobiya, si uu xog dheeraad ah uga soo helo noloshiisii carruurnimo iyo qoyskiisa.

Wariyuhu waxa uu booqday tuulaha Bashaashaa oo ah deegaanka uu qoys ahaan ka soo jeedo raysalwasaare Abiy Axmed. Waxa aanu soo helay xogo qaarkood burinaya kuwa laga ogyahay raysalwasaaraha iyo warar dadku inta badan isla dhexmaraan.

In kasta oo waraaqaha rasmiga ah ee u diiwaangashan raysalwasaare Abiy Axmed Cali ay sheegayaan in uu dhashay sannadkii 1976 kii, oo ay da’diisu noqonayso 42 sano, wariyuhu waxa uu soo helay xog taas aad uga duwan oo la xidhiidha taariikhda dhalashada ee raysalwasaaraha. “Abiy Axmed, sannadkii 1968 kii ayaa uu ku dhashay gobalka dadkiisu muslimiinta u badan yihiin ee Oromiya” ayaa uu weriyuhu ku yidhi, warbixintan oo iyada oo fiidyow qoraallo wehelinayaan ah, 21kii bishan julaay lagu faafiyey barta ay BBC qaybteeda afka ingiriisigu ku leedahay internetka.

Diinta

Ugu horreyna waxa uu wariyuhu ka hadlay diinta uu aaminsan yahay raysalwasaaruhu oo dadku inta badan hadal geliyaan, “Aabihii waa Muslim, hooyadii waa Kiristaan, Abiy Axmedna waa Kiristaan aaminsan mad-habta Protestant ka” ayaa lagu yidhi warbixinta uu sii daayey barnamaijka BBC News Afrika. Laakiin waxaa la sheegay, maadaama oo uu deegaanku muslimiin u badanyahay, aabihiina muslim yahay, in Abiy Axmed uu Qur’aanka wax ka bartay. Waxa aanu aabihii sheegay in uu akhriyi jiray aayado Qur’aanka Kariimka ah ka mid ah.

Magaciisa runta ah, macnaha magaca iyo habdhaqankiisii carruurnimo

Magaca raysalwasaaruhu waxa uu sax ku yahay Abiyot oo ah erey afka oromada ku jira oo macnihiisu yahay, ‘Kacaan / kacdoon’. Laakiin waxaa magaciisa sida uu hadda u dhigan yahay u beddelay aabihii, “Aniga ayaa ‘Abiy’ ku odhan jiray, aniga oo soo gaabinaya magaciisa” ayaa uu idhi raysalwasaaraha aabihii oo BBC da u warramayey.

Sida caadiga ah, waxa uu Abiy Axmed aabihii iyo hooyadii kala shaqayn jiray kana caawin jiray hawlmaalmeedka shaqo ee guriga iyo nolosha qoyska la xidhiidha. Waxa uu ahaa wiil aad u furfuran oo sida uu aabihii sheegay, ‘Cid kasta la saaxiiba’.

Axmed Cali oo ah raysalwasaaraha aabihii ayaa isaga oo weriyaha la hadlaya waxa uu yidhi, ‘Ha u qaadan in awoodda iyo madaxnimada uu gaadhay ay igu kallifayso in aan ammaantiisan iyo wanaaggiisan sheego. Laakiin runta ayaa aan kuu sheegayaa ee ficilladiisa oo dhami waxa ay ahaayeen kuwa fiican”.

Raysalwasaaraha aabihii Axmed Cali oo ka warramaya dareenkii dadka deegaanku ay ku qaabileen xilka inankiisa loo dhiibay ayaa yidhi, “Markii uu ka soo muuqday talefishannada, dadku jacayl badan ayaa ay u qaadeen. Sida waalidka oo kale ayaa ay u jeclaadeen”

Waxbarashadii

Raysalwasaare Abiy Axmed waxa uu geeddiga waxbarasho ka bilaabay dugsiga hoose ee degmada Bashaashaa, oo weli shaqeeya. Laba nin oo ay walaalo yihiin ayaa uu wariyaha barnamaijka diyaariyey waraystay, “Dhammaantayo waa uu naga duwanaa, waxa uu ahaa nin waxa ku cusub aad ugu fiirsi badan” waxaa sidaa yidhi, mid ka mid ah labadiisa walaal ee warramay. Waxa aanu intaas ku sii daray, in Abiyot aanu isku koobin waxbarashada dugsiga ee sida oo kalana uu diintiisa baran jiray. “Waxa uu ku dadaalay in uu raaco dugsiga iyo waxbarashada diintiisa labadaba” ayaa uu yidhi ninka ay walaalaha yihiin raysalwasaaraha oo jooga degmada Bashaasha, isaga oo la hadlayey BBC News Africa. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in Abiy Axmed yaraantiisii aanu ahayn carruurta jecel in ay waqtigooda ciyaar ku wada qaataan, balse uu ka jeclaa ag-joogga dadka waaweyn, “Inta la ciyaarayo isagu waxa uu ka doorbidi jiray, oo uu la joogi jiray dadka waaweyn” ayaa uu yidhi Abiy walaalkii oo aan warbixinta magaciisa lagu sheegin.

“Isaga oo carruur ah ayaa uu sida dadka waaweyn u dhaqmi jiray” ayaa uu yidhi, isaga oo sida oo kale sheegay in uu ahaa carruurta ay dadku inta badan jecel yihiin. Walaalkiisa kale oo isaga oo hareer fadhiya wariyaha la hadlay ayaa isna sheegay in dabeecadaha ay ku arki jireen Abiy Axmed markii uu yaraa ay ka mid ahayd, awood iyo karti uu u lahaa in uu dib u heshiisiiyo carruurtu marka ay is dilaan. Oo uu xidhiidhkooda saaxiibtinimo soo celiyo. Walaalkiisa hore ee dhinac fadhiyey ayaa inta uu hadalka ka boobo odhanaya, “Marka ay walaalihii is dilaan isaga ayaa ahaa ka isu keena ee dib u soo celiya xidhiidhkooda” Isaga oo intaas ku sii daray in uu ahaan jiray ruux nabadda jecel.

“Waan ku faraxsanahay raysalwasaare Abiy Axmed, waan ku faraxsanahay in la doortay” Waxaa isna sidaas yidhi, Tamir Kasmer oo ah wadaadka ka masuulka ah kaniisadda ee deegaankan. Waxa aanu intaas ku sii daray in uu aad ugu faraxsanyahay tallaabooyinka uu illaa hadda qaaday raysalwasaare Abiy Axmed.

Kaddib, Khudbaddii uu raysalwasaare Abiy Axmed bishii lixaad ee sannadkan ka jeediyey isu soo bixii ballaadhnaa ee ka dhacay magaalada Addis Ababa. Waxaa fagaarihii ka dhacay weerar bambaane oo ay laba qof ku dhinteen dhawr kalana ku dhaawacmeen. Wariyaha ayaa raysalwasaaraha aabihii weydiiyey, sida uu maalintaas dareenkiisu noqday, waxa aanu ku jawaabay. “Markii aan warkaas maqlay, naxdintii aan qaaday awgeed, laba maalmood ayaa aan xanuunsanayey” Aabo Axmed Cali waxa uu sheegay in uu naxdintii jaahwareeray oo uu isku dhexdaatay, “Waan ooyay, aniga oo moodaya in aan sidaas ku waayey [Inankayga]” ayaa uu yidhi.

Waxaa laga yaabaa in markaba ay maskaxda ku soo dhacdo dareenka ah, maadaama oo degmada uu raysalwasaaruhu ka soo jeedaa ay sidaas u yar tahay, dadkuna wada garanayaan, weliba yaraantiisii dad badani jeclaayeen, sidee uu dareenkoodu noqon doonaa haddii uu imika soo booqdo isaga oo raysalwasaare ka ah dalka Itoobiya oo dhan. Su’aal isla dareenkaas la xidhiidha ayaa uu wariyuhu weydiinayaa, raysalwasaaraha aabihii oo ku jawaabay, “In aan dhinaciisa ka dhaqaaqo ma dooni doono. Waa aan dhunkan doonaa”

Wadaad kaniisadda oo isagana isla su’aashan uu wariyuhu weydiiyey, ayaa isaga oo dhoolla caddaynaya ku jawaabay, “Aad baa aan u farxi doonaan. Waa aan u heesi doonaa”

Gabadh lagu magacaabo Samiira oo iyaduna deegaanka ka mid ah, ayaa iyada oo qoslaysa wariyaha ku tidhi, “Wax kasta oo aan awoodo waxa aan isugu geyn lahaa, sidii aan u salaami lahaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.