Home Afsomali Magacyada iyo Qabaailada ay ka soo jedaan Alshabaabkii fuliyey Weerarkii Af-ur ee...

Magacyada iyo Qabaailada ay ka soo jedaan Alshabaabkii fuliyey Weerarkii Af-ur ee Buuraha Goolis ee deegaanada puntland

Al-Shabaab ayaa baahiyay filim cusub oo ay kusoo bandhigeen howlgallada ay garabkooda loo yaqaan Liwaa’a Al-qudus ee Buuraha Goolis ka wadaan deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

Mu’asasada Al-kataa’ib garabka Warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa baahisay filim cusub oo la daawan karo 40 daqiiqo waxana kasoo muuqanaya dagaalyahano aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab oo weeraro iyo qaraxyo ka fulinaya aaga buurahaasi.

Filimkaan ayay Al-Shabaab kusoo bandhigtay dagaalkii weynaa ee saldhiggii ciidamada Puntland looga laayay ciidamada ee deegaanka Af-urur ee duleedka magaalada Boosaaso.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa filimka waxa ay sidoo kale kusoo bandhigeen magacyada dagaalyahanadii looga dilay weerarkii ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Puntland ee Afurur, iyagoo soo bandhigay meydadka iyo magacyada 5 dagaalyahan oo ay sheegeen in weerarkaas ay kaga dhinteen dhankooda.

1 – Basal Ibaraahim Maxamed oo ka dhashay beesha Eelaay

2 – Aweys Axmed Warfaa oo ka dhashay beesha Jareerweyne gaar ahaan kaboolo

3 – Cabdiraxman Cabdirashiid Sheekh Cumar oo ka dhashay beesha Mareexaan gaar ahaan jufada Cali Dheere

4 – Cabdiraxman Maxamed Xuseen oo ka dhashay beesha Ogaden gaar ahaan reer Afgaab

5 – Cabdifitaax Maxamed C/Laahi oo ka dhashay beesha Garre.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.