Home Afsomali Mahad Maxamed Salaad oo safar ku jooga dalka Ethiopia ( DAAWO SAWIRADA...

Mahad Maxamed Salaad oo safar ku jooga dalka Ethiopia ( DAAWO SAWIRADA )

Aggaasimaha guud ee hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad iyo wafdi la socda oo booqasho rasmi ah ku jooga Ethiopia, ayaa kormeerey xarunta maamulka xogaha sirdoonka IMEDA ee Itoobiya.

Mahad Salaad iyo xubnaha la socday ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta maamulka xogaha sirdoonka IMEDA, waxa uuna agaasimaha indhihiisa ku arkay sida xaruntaasi u shaqeyso.

Mas’uuliyiinta sirdoonka dalka Itoobiya ayaa wefdiga agaasimaha NISA iyo xubnaha la socday uga waramay sida ay u shaqeyso xaruntan iyo doorka ay ku leedahay sugidda nabad geliyada wadanka.

Agaasimaha NISA oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa kulamo la leh madaxda ugu sareysa sirdoonka dalkaasi, waxa ayna booqashana imaaneysa xilli dhawwaan Muqdisho heshiis ku gaareen sirdoonada Soomaaliya iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.