Home Afsomali Mahdi Guuleed oo maanta loo dooranayo Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka

Mahdi Guuleed oo maanta loo dooranayo Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka

Mahdi Guuleed oo maanta loo dooranayo Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka

Waxaa goordhow  lagu wadaa in si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabato doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana doorashadan lagu bilaabayaa xubnaha kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Doorashada labada kursi ee ugu horeeya golaha shacabka ayaa  ka dhacaysa xarunta tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka xarunta ay doorashada ka dhaceyso.

Labada kursi ee doorashadeeda ka dhaceyso maanta Muqdisho ayaa mid kamid ah waxaa ku tartamaya ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo lasii sadaalinayo in uu kuu guuleesanayo maadaama uu wato musharax malxiis ah kii xaqa u lahaane laga diiday in shahaado uu qaato

Kuraastan oo ah kuwa gobolada waqooyi ee dalka ayaa dooranaysa illaa 101 ergo oo isku mid ah, waxa ayna doorashadan maanta bilow u noqon doontaa doorashada Xildhibaanada golaha shacabka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.