Home Afsomali Full VEDIO Mahdi Maxamed Guuleed oo Xariga ka jaray isbitaalka Banadir oo...

Full VEDIO Mahdi Maxamed Guuleed oo Xariga ka jaray isbitaalka Banadir oo ay dayac tir ku samaysay Shirkadda Hormuud

Munaasabad xarigga looga jarayay furitaanka qeyb cusub oo ay dib udhis ku sameesay shirkada hormuud ayaa lagu qabtay isbitaalka banaadir ee magaalada muqdisho

Sii hayaha xafiiska raysal wasaaraha xukuumada federaalka Somalia Mahdi Maxamed guuleed ayaa xarigga ka jaray, iyadoo ay wehlinayiin qaar kamid ah golihiisa waziirada

Cali sheikh yaasiin (Cali fadhaa) oo ah masuul ka tirsan shirkada hormuud ayaa ka war bixiayay heerarkii uus oo maray hirgalinta qeybtan cusub ee loogu tala galay in lagula tacaalo dadka qaba Covid19.

Waziirka caafimaadka xukuumada federaalka Somalia Drs Fowziya Abiikar Nuur oo iyana goobta kahadashay ayaa uga mahad celisay shirkada hormuud kaalinta ay kaqaadaneyso hormarinta adeegyada bulshada oo caafimaadku ugu horeeyo

Mahdi Maxamed Guuleed sii hayha xilka raysal wasaaraha dalka oo xariga kajaray isbitaalkaasi cusub ee lagula tacaalayyo Covid-19 islamarkaana ay dib udhis kusameesay shirkada hormuud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay shaqada muhiimka ah oo shirkadda Hormuud dadka u heyso wuxuuna tilmaamay dhismahaan isbitaalka uu kusoo aaday xiligii loogu talagalay

Shirkada hormuud oo ka duulaysa qatarta caafimaad ee uu xambaarsan yahay cudurka covid19 oo saameyn xoog leh ku yeeshay wadamo badan oo caalamka ka mid ah ayaa u istaagtay hir-galinta xarun caafimaad oo lagula tacaalayo dadka uu soo rito cudurkaasi saf-mareenka ah.

Qaybtaan cusub ayaa loo dhammaystiray dhammaan agabyada caafimaaad ee qol waliba loogu tala galay, iyadoona loo dhisay hannaan casri ah waxaana dhisay shirkadda dhismaha Buruuj.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.