Home Afsomali Maraykanka iyo UK o xildhibaanada baarasabooradooda heystay uga digay in ay ku...

Maraykanka iyo UK o xildhibaanada baarasabooradooda heystay uga digay in ay ku lug yeeshaan doorashooyinka dad ban

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay hanaan doorasho oo sax ah oo laga hirgeliyo dalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka ay ku sugan meel ka baxsan dalka lagu ciqaabi karo haddii ay ku lug yeeshaan xaalado musuq maasuq baahsan.

Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay hanaan doorasho oo sax ah oo laga hir-geliyo dalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka ay ku sugan meel ka baxsan dalka lagu ciqaabi karo haddii ay ku lug yeeshaan xaalado musuq maasuq baahsan.

Qoraalkan laguma bixin faah-faahin intaas dheer, hase yeeshee dowladda Mareykanka ayaa shalay qeyb ka ahayd qoraal kasoo baxay saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin qaar ka mid ah go’aanada kasoo baxay Hogaanka Madasha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, beesha caalamka waxa ay sheegtay in go’aanka Madasha ay ku saamaxeen musharaxiin ay guddiyada doorashada laaleen codeyntooda sababo la xiriira tuhun xadgudub iyo qaladaad ay cafis buuxa siineyso qaar ka mid ah sharci darrooyinkii ugu xumaa ee ka dhex dhacay doorashooyinka.

 

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?sort=dd&shelf_id=0&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.