Dawladda Maraykanka ayaa abaal marin lacageed oo gaareysa 5 milyan oo doollar ah dul dhigtay madaxa Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo ah Afhayeenka Al-Shabaab.
Qoraal ka soo baxay Waaxda cadaaladda ee wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in lacagtan abaalmarinta ah ay siin doonaan ciddii keenta macluumaadka shakhsiga ay raadinayaan.
Cali li Maxamud Raage oo ku magac Dheer Sheekh Cali Dheere ayaa laga soo bilaabo bishii May ee sannadkii 2009 wuxuu ahaa afhayeenka Aa al-Shabab.
Dawladda Maraykanka ayaa bishii August ee sannadkii 2021kii, waxay sheekh Cali Dheere ku dartay liiska shakhsiyaadka waxa loogu yeero argagixisada caalamiga ah ee la baadigoobayo.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii February 18-keedii ee sannadkii 2022ka , waxay cunaqabatayn ku soo rogeen sheekh Cali Dheere oo ah Afhayeenka Alshabab, iyaga oo raacaya qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2093 ee soo baxay sannadkii 2013.