Maraykanka Oo Xakameeyey Bixinta Dal-ku-galka Madaxda Soomaalida Ee Lagu Eedeeyey Inay Waxyeeleeyeen Hannaanka Dimuqraadiyadda.
(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadii shalay ka mamnuucday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ama kuwa hore iyo kuwa kale oo lagu eedeeyay inay wiiqayaan hannaanka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya, iyadoo xukuumadda Washington ay dadaal ugu jirto sidii ay dalkan ku yaalla Geeska Afrika uga dhici lahayd doorasho degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xannibaadda fiisaha ay khusayso kuwa dhiirigeliyay oo ku hawlan qalalaasaha ka dhanka ah dibad-baxayaasha, cabsi gelinta suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo ku takri-falka hannaanka doorashada.
Jidka ugu wanaagsan ee nabad waarta loogu heli karo Soomaaliya waa in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri Blinken.
“Madaxda qaranka iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya waa in ay fuliyaan ballan-qaadyadooda ku aaddan in hannaanka baarlamaanka lagu soo dhameystiro si lagu kalsoonaan karo oo hufan marka la gaaro 25-ka Febraayo,” ayuu raaciyay.
Dalka Soomaaliya oo aan ka jirin dowlad dhexe oo muddo 30 sano ah ka talin jirtay, ayaa ku guda jirta doorasho dadban oo daba dheeraatay oo lagu dooranayo hoggaanka cusub, iyadoo marar badan la isku raacay in ay iska horyimaadaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Bishii Abriil, isku daygii madaxweynaha ee ahaa in afarta sano uu ku kordhiyo laba sano ayaa keentay in kooxihii ciidan ee daacadda u ahaa nin walba ay muddo kooban la wareegaan fariisimo Muqdisho iska soo horjeeda.
Khilaafkan oo muddo bilo ah soo jiitamayay ayaa dad badan loo arkaa mid dowladda ka weecinaya in ay la dagaalanto kooxaha Islaamiyiinta ah.
(Waxaa soo tebiyay Daphne Psaledakis oo ku sugan Washington iyo Kanishka Singh oo ku sugan Bengaluru; Tafatirka waxaa sameeyay Chris Reese iyo Sandra Maler)