Home Afsomali Mareykanka Nin lagu dilay Irbad sun ah oo loogu Xakumay Dad uu...

Mareykanka Nin lagu dilay Irbad sun ah oo loogu Xakumay Dad uu horey u Qaarajiyey

Mark Asay oo ku eedeysnaa inuu gobolka Florida ku dilay labo qof, lana weyneyd caddaannimadu ayaa lagu fuliyay xukun dil, iyadoo loo adeegsaday dilkiisa irbad tijaabo ah oo lagu duray.

Ninkaan 53 jir ah ayaa soddan sano ka hor dilalka geystay, wuxuuna noqday qofkii ugu horeysay ee taariikhda galay kadib markii uu noqday qofkii koobaad ee caddaan ah ee gobolkaasi uu dil ku fuliyo, sidoo kalena noqday qofkii koowaad ee nafta looga qaado daawo cusub oo lagu tijaabiyo.

Daawadaan cusub oo la yiraahdo Cocktail ayaa awood u leh in qofka marka lagu duro horay ka dhacayo oo nafta ay si fudud ugu baxeyso.

Xeerbeegti ayaa Asay ku heshay in uu toogasho ku dilay Robert Lee Booker, oo ah nin madaw iyo Robert McDowell oo ah dadka asal ahaan ka soo jeeda laatiin Ameerika ee Hispanic loo yaqaanno, dilkaasna uu gaystay isla habeenkii laga maqlay isaga oo jeedinaya haddallo cunsuriyaddi ku dheehan tahay.

Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen in Asay uu kiraystay McDowell oo dhar dumar qaba si uu ugu tago, balse uu rasaas ku dilay markii uu arkay in uu nin yahay.

Tan iyo markiu uu gobolkaasi dib u soo celiyay xukunka dilka ah sannadkii 1976, labaatan nin oo madaw ah ayaa loo dilay in ay dileen dad caddaan ah, sida ay ku warrantay Death Penalty Information Center

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.