Home Afsomali Mareykanka oo hub Casri ah oo lagu qiimeeyay lacag aad u badan...

Mareykanka oo hub Casri ah oo lagu qiimeeyay lacag aad u badan ka iibinaya Qatar

Dowladaha Mareykanka iyo Qatar ayaa xalay kala saxiixday heshiis muddo dheer laga soo shaqeenayay oo dowladda Qatar looga iibinayo hub nuucyo kala duwan leh, hubka iyo qalabka milatari ee laga iibinayo Qatar ayaana ah kuwo casri ah.

Labada dal ee Mareykanka ee Qatar ayaa kala saxiixday heshiis hub lagaga iibinayo dalka Qatar, taas oo ay ku jiraan illaa 10 kamida hannaanka difaaca ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo hub kala duwan.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku shaacisay in la saxiixay heshiis hub casri ah looga iibinayo dowladda Qatar, heshiiskan ayaana ku kacaya lacag gaareysa $1 bilyan oo dollar.

Warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay  in heshiiskan iibka Hubku inuu taageerayo siyaasadda arrimaha debedda iyo amniga qaranka ee Maraykanka, uuna gacan ka geysanayo hagaajinta ammaanka dalalka saaxiibka la ah.

Dowladda Qatar ayaa muddo raadineysay in Mareykanka ka iibiyo hubn casri ah ay ku jiraan hannaanka difaaca cirka iyo sidoo kale diyaarado casri ah, waxa uuna hubkan wax badan u tarayaa Qatar oo mararka qaar qatari amni la kulmi karta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.