Home Afsomali Mareykanka oo soo saaray warbixin hal arrin ku eedeysay DF iyo Al-shabaab

Mareykanka oo soo saaray warbixin hal arrin ku eedeysay DF iyo Al-shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa lagu eedeeyey iney askareeyeen boqolaal caruur ah sida lagu sheegay Warbixinta ka ganacsiga dadka oo ay sii daysay Dowladda Maraykanka

Warbixinta ayaa muujineysa xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee weli ka socda dalka, iyadoo Al-Shabaab iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu horeeya ee lagu eedeeyay ficiladan

In Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ay ciidamada dowladda & kooxaha  kasoo horjeeda ay askareeyaan carruurta ayaa si cad loogu sheegay Warbixinta Xoghayaha Arrimaha Dibadda.

Dowladda ayaa lagu eedeeyay inay qoratay boqollaal carruur ah oo askar ah 2022 oo keliya, taasoo ka hor imaanaysa sharciga ka hortagga carruurta la askareeyo.

Waxaa la diiwaan galiyay in 1,094 carruur ah oo qaarkood ay da’doodu ka yar tahay 8 sano jir ay ku dhibaateysan yihiin Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Tiradan ayaa noqoneysa tii ugu badnayd ee xadgudubyada halista ah ee ka dhanka ah carruurta ku sugan meelaha colaaduhu ka jiraan ee caalamka.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.