Home Afsomali Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Howlgalka Militeriga Shiinaha Ee Taiwan

Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Howlgalka Militeriga Shiinaha Ee Taiwan

 

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dhoollatuska iyo dabridka militeriga Shiinaha uu maalintii labaad ka wado meelo u dhow jasiiradda Taiwan.

“Ficilka militeri ee Shiinaha waa mid aad u wayn, saamayn leh, si aan marmarsiiyo lahaynna u sii kicinaya xasarad,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken

Ma jiro wax lagu salayn karo ficillada ay sameeyeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Blinken oo ka hadlayay shirka dalalka Aasiya.

Shiinaha ayaa arrintan uga jawaabay booqasho ay Taiwan dhawaan ku tagtay Afhayeenka Golaha Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi. Booqashadaas oo ay xukuumadda Beijing ka digaysay in muddo ah ayaa horseedday howgallada militeri ee sida wayn khalkhalka u geliyay Taiwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.