Home Afsomali Marka Aad dhimato Waxaa La Wariyay in Ruuxdaada ay Ku sii baaqi...

Marka Aad dhimato Waxaa La Wariyay in Ruuxdaada ay Ku sii baaqi ahaan doonto Jirkaaga dhinaciisa

Marka Aad dhimato Waxaa La Wariyay in Ruuxdaada ay Ku sii baaqi ahaan doonto Jirkaaga dhinaciisa, Sida Barkintada hoosteeda iyo Sariirta hareeraheeda Waa goormee .?

Waa Marka Lagu dhaqayo iyo Marka Lagu karfanayo Labadaba.

Marka Lagu soo duugo Ruuxdaada Waxeey Dib Ugu Soo Laabaneysaa Jirkaaga Kadib Marka Qabriga Lagu soo dhex jiifiyo lagana soo tago

Marka Lagaa Soo Laabto Kadib Waad Soo Tooseeysaa Sida Qof Hurdo Ka Soo Kacay Camal Waxaa La Sheegaa in Aad Sadex Mar Oo isku Xig Xigto Aad isku dayidoontid inaad soo fadhiisato Qabriga dhexdiisa.

Kadib Waxaad Arkeysa Mugdiga Ka jiro godka qabriga dhexdiisa , Lkn Mar Walba Oo Aad damacdo inaad madaxa Kor U soo qaado Darbiga Qabiga ayaad Madax Ku dir dirsaneysa .

Marka Aad Aragto Xaaladaada in aysan Caadi ahayn ayaad Rumeysan doontaa inaad ka mid tahay Ehlu-meytka Asxaabul Qabuurka Meesha Ku Cusub Caawa.

Wax yar Kadib Waxaa Kuu imaan doona Labadii Malag Ee kala ah Munkar iyo Nakiir Kuwaa Oo Loo Wakiishay Kaliya In ay Qabriga dadka Ku su”aalaan Sadex Su”aalood.

Waxa ay Ku Weeydiin doonaan Ma aha Baasaboorkaa dhalashadada Ama Lacag iyo Maal , Ee Kaliya Waxa ay Ku Waydiin doonaan Xagga Rabbigaa Diintaada Rasuulkaaga csw.

Labo Mid ayaad Noqon Mid ka Jawaaba Oo liibaana Ama Mid Ku dhaca Oo khasaara

Kadib Waxaa Laguu Wadayaa Goob lagu magacaabo Xayaatu-barzaq Waxeey leedahay goobtaa labo albaab Mid Waxa Uu Ku sii jeedaa janada
Mid ka Kale isagane Waxaa Uu Ku Sii jeedaa Xaga jahanamo Halkaas ayaad Ku sugi doontaa Xisaabta iyo isa Soo bixinta Qiyaamaha.

Markaa kadib Labo Meel mid ayaad Aadi janno Ama Naar Allah Naga badbaadiyee

Sidokale Maalmaha Qaar Waxaa ku soo booqan doona qaar Ka Mid ah qaraabadada iyo Asxaabtaada .

Waxaa la Wariyaa in Uu Malag Kuu imaan doona Kuguna Wargelin doona in Qof Ehelkaaga ah Ku soo Salaamay Waxaa Uu kugu Oranayaa, Waxaa Kuu imaaday Wiikaaga ama Hooyada Ama Gabadhaada Ama Xaaskaaga.

Ruuxdaada Way Ka Soo baxeysaa godka Qabriga Waxeey soo Koreysaa buurka Sare Ee Carada Qabriga , Waxeey rabtaa in ay dhageeysato Waxa Uu dhihi doona qofka imaaday Ee Soo Booqdaha ah.

FG: Waxaan jecleystay inaan Nafteeyda iyo Naftaada geerida Xasuusiyo si Aan Uga towbad keeno Dambiyada aan galeyno Walaal mcn.

-Dhamaanteen Allah Noo dambi dhaafo
– Khaatumada Allah Noo hagaajiyo Aamiin dhaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.