Home Afsomali Marwada Koowaad ee dalka oo kala hadashay Wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga hirgelinta...

Marwada Koowaad ee dalka oo kala hadashay Wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga hirgelinta xarummo caafimaad

 Marwadda koowaad ee dalka, Marwo Saynab Cabdi Macallin oo magaalada Ankara ee dalka Turkiga Kulan kula qaadatay Wasiirka Caafimaadka dalkaas  Dr. Fakhrudiin Koojan ayaa kala hadashay qorsheha hirgelinta xarumo Caafimaad (MCH) oo loo qoondeeyey in laga dhiso dalka.

Marwo Saynab ayaa soo bandhigtay ahmiyadda hirgelinta xarumahan caafimaad ay u leeyihiin badbaadinta hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada gaari-waaga ah ee ay ka jiraan adeegyada caafimaad ee aadka u hooseeya.

Sidoo kale, Marwada ayaa la wadaagtay  Madaxda Hay’adda dawladda Turkiga u Qaabilsan Horumarinta iyo Mashaariicda ee TIKA qodobbada heshiisyadii hore ee labada dowladood ee ku saabsan daryeelka caafimaadka oo ay ka mid tahay qorshahan oo wajigiisa koowaad lagu dhisi doono 14-Xarumood oo loogu tala galay daryeelka caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka.

Marwo Saynab ayaa dawladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga uga mahad celisay garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan wakhtiyadii adkaa ee dalku uu soo maray.

Ugu danbeyntii, Marwadda koowaad ee dalka, Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa uga Tacsiyeysay Turkiga -shacab iyo dowlad- dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirkii dhawaan ka dhacay Gobalka Elazig ee Bariga dalkaas, Waxa ayna Caafimaad u Rajaysay dadkii waxyeelladu kasoo gaartay musiibadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.