Home Afsomali Mas.uul ka carooday lacagaha lagu qaadu qaado galida beer laga sameeyey dhul...

Mas.uul ka carooday lacagaha lagu qaadu qaado galida beer laga sameeyey dhul danguud ah lana filayo in uu joojiyo lacagaha

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xalay xarunta Beerta Nabada ee magaalada Muqdisho ku casuumay boqolaal qof oo u badnaa dhalinyaro, kuwaa uu kala qeyb galayay munaasabada xuska 1-da Luulyo.

Sida aan Wararka ku helnay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa bixiyay lacagaha lagu galo albaabka xarunta Beertya Nabada , waxa uu sidoo kale bixiyay lacagaha ku baxayay waxyaabaha ay isticmaalayeen dadka ka qeyb galayay Munaasabada 1-da Luulyo.

Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka carooday lacagaha badan ee xalay looga qaaday Beerta Nabada , waxa uuna ugu baaqay ganacsatada maal gashatay Beerta Nabada in ay joojiyaan lacagaha ay dadka uga qaadaan soo galitaanka goobtaasi dalxiiska iyo Nasashada loo tago.

Beerta Nabada ayaa dadka waa weyn marka ay galayaan waxaa qof walbo laga qaadaa lacag dhan hal dollar halka Caruurtana laga qaado 2-dollar, waxaana usii dheer in ay iibsanayaan cabitaanka iyo cunooyinka kale ay u baahdaan.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay ganacsatada Beerta Nabada iska leh in ay joojiyaan lacagaha ay dadka uga qaadaan galitaanka xaruntaasi, waxa uuna sheegay in Beerta Nabada ay tahay goob nasiino iyo damaashaad loo tago balse aysan aheyn beerta ganacsiga.

Waxa uu ku baaqay Duqa magaalada Muqdisho in degmo kasta oo kutaala magaalada Muqdisho laga sameeyo beer dadku ku nastaan kuna damaashaadaan, waxa uuna balan qaaday in hergalinta arintaasi gacan ka geesan doono maamulka gobolka Banaadir.

Beerta Nabada ayaa kutaala dhul dan guud ee leedahay dowlada Soomaaliya, hasa ahaatee waxaa dhulkan maamulkii hore ee gobolka Banaadir ku wareejiyay ganacsato kuwaa oo maal galin ku sameestay kana dhigay goob loo dalxiis tago dadkuna ku nastaan kana hellaan dhaqaalo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.