Home Afsomali Mashruuc ku kacaya lacag ka badan Bilyan dollar oo sanadkan 2020 laga...

Mashruuc ku kacaya lacag ka badan Bilyan dollar oo sanadkan 2020 laga fulinayo Somalia

Dowladda Federalka Somaaliya, Qaramada midoobay ayaa Maanta daah furahay qorshaha arrimaha Bini’aadamnimada ee Somaliya ee Sanadkan2020.

Qorshahan ayaa u baahan 1.03 Bilyan oo Doollar, si loo caawiyo loona tageero nolal Maalmeedka 3 Milyan oo Qof.

Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Xamza Siciid Xamza, ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay in ay la shaqayso hay’adaha samafalka ee ka howl-gala Dalka, si loo hirgeliyo qorshaha ka jawaabista xaaladaha Bini’aaddannimo.

“Dowladda federalka ee Somaaliya ayaa waxaa si buuxda ugu go,an in ay la shaqeeyso hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Dalka si loo hirgeliyo qorshaha ka jawaabita xaaladaha Bina’aadamnimada, qorshaha gurmadka ayaa dhameystiraya dedaallada socda ee Dowladda fedaraalka ee wax looga qabanaayo dhibaatooyinka Bina’aadamnimo ee Dalka, ayuu yiri Wasiirku.

Dadka u baahan gargaarka waxaa kamid ah 1.7 milyan oo qof oo ka barakacay colaad, nabadgelyo xumo, guuritaan Khasab ah, abaaro iyo daadad. Sida laga soo xiganaayo qorshaha HRP-ga, in kabadan kalabar tirada dadka soomaalida waxay ku nool yihiin faqri.

Waxaa kamid ah beeraley iyo xoola dhaqatada saboolka ah iyo cunta yare heysato kuwa barakacay. Heerka nafaqo xumida ee caruurta ayaa ah mid aad u sareeyo, iyadoo meelaha qaar ay ka jiraan heerar nafaqo xumo oo caalami ah in ka badan 20 boqolkiiba (kana sareeysa heerka deg degga ee WHO ee 15 boqolkiiba). Dadka naafada ah oo lagu qiyaaso boqolkiiba 15 dadweynaha ayaa halis ugu jira rabshado iyo xadgudub.

“Marka aan hirgalinayno qorshaha arimaha bani’aadamnimada, Qaramad Midoobe iyo iskaashatada kale ayaa ka shaqeyneyso sidii loo xaqiijin lahaa in gargaar deg deg ah iyo tageero horumarineed ay isbarbar socdaan kuwaas oo kabo qorshaha hormarinned e dowladda si loo gaaro soo kabasho mudo fog ku beegan” sidaasi waxaa yiri Adam Abdulmoula,Isu duwaha hawlaha Bani’aadamnimada ee Somaliya. “taasi ayaa aha in la kordhiyo howlaha samafalka iyo horumarka wada socda mudo dheer si wax looga qabto xaladaha bani’aadamnimadan ee ka jiro Soomaaliya”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.